
Dawladdaha Soomaaliyeed iyo Imaraadka oo meel adag ka istaagay Midnimada iyo Madax-banaanida Jamhuuriyada Soomaaliyeed <hr>
“Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa isku afgartay iskaashi dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin amniga, la dagaallanka arga-gixisada iyo burcad badeedda, kobcinta dhaqaalaha, arrimo la xiriira ganacsiga iyo socdaalka iyo in Imaaraadku uu gacan ka geysto in Soomaaliya laga saamaxo deymaha lagu leeyahay.
Sheikh Maxamed bin Zayed, wuxuu Madaxweynaha ugu hambalyeeyay doorashada uu dhowaan ku guuleystay iyo taageerada ay siiyeen shacabka Soomaaliyeed. Wuxuuna sheegay in uu laba laabi doono taageerada ay dowladda Isu-Tagga Imaaraadka Carabtu siiso Dowladda Soomaaliyeed si ay uga guuleysato kooxaha nabad-diidka ah oo uu ku tilmaamay in ay doonayaan in ay afduubaan diinta Islaamka.
Soomaaliya iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabtu waxay isla qireen in ay Madaxbannaanida iyo Midnimada Soomaaliya ay yihiin lama taabtaan ayna muhiim u yihiin amniga iyo iskaashiga labada dhinac. ” Ayuu yidhi Wasiirka Arimaha Dedebada Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar.
Dhinaca kale Warar ku dhow dhow shirka Imaaraatka iyo Somalia ayaa muujinaya inay labada dhinac isla fahmeen qodobbo badan oo ay isla soo qaadeen, Waxyaabaha meel la isla dhigay waxaa ka mid ah in lacag 100 milyan oo Dirham gaareeysa si deg deg loo gaarsiiyo Somalia si ay dhiig joojin ugu noqoto abaaraha dalka ku dhuftay.
Waxaa kale oo la isla meel dhigay 5 milyan oo bil kasta la siin doono ciidamada Somalia ee dagaalka ku jira, lacag 10 milyan ka badan oo bishii lagu kabi doono miisaaniyadda dowladda iyo saanadda ciidamada millateriga iyo dhismohooda oo ay gacan wayn ka gaysan doonaan Imaaraatku taasoo loo gudbin doono kaddib marka ay berri dambe shiraan dowladda dhexe iyo maamullada Somalia.
Waxaa la isla soo qaaday in baasaboorka Somalia lagu tago, lagu dego loogana shaqaysto dalka Imaaraatka taasoo ah arrin ay kasii wada hadli doonaan labada dal.