Daawo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo Masar ugu dhaartay in aan biyaha laga carqaladayn doonin


Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ku jooga dalka Masar, waxaana wada hadalo uu la yeeshay Madaxweynaha Masar C/fataax Al Sisi.

Labada Hoggaamiye ayaa ka wada hadlay Xoojinta Xiriirka labada dal, Iskaashiga Ganacsiga iyo Warshadaha, sidii ay Masar deegaan Warshadaysan uga dhisan lahaayeen gudaha Itoobiya, Maalgashiga Shirkadaha Khaaska ee Masar ee gudaha Itoobiya, dhiiri-gelinta suuq-geynta Xoolaha nool Itoobiya ee dalka Masar, Iskaashiga Beeraha, Kalluumeysiga iyo Qaddiyadaha ka taagan Afrika, gaar ahaan Xiisadaha ka aloosan dalalka Somalia, South Sudan iyo Xiriirka Itoobiya iyo Eritrea.

Sidoo kale waxaa ay ka wada hadleen arrinta Wabiga Niil oo dowladda Masar ay muddooyinkii u dambeeyay walaac ka muujineysay dhismaha biyo xireenka ay Itoobiya hirgelisay, waxaana tallaabadaas uu mugdi geliyay xiriirka labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa waday dadaalo diblomaasiyadeed oo uu wax kaga bedelay cilaaqaadka uu la leeyahay dalalka deriska iyo kuwa ay danaha wadaagaan, isagoo u muuqday mid wax badan ka bedelaya siyaasadda Itoobiya ay ku shaqeyenysay 20-kii sano ee u dambeeyay.

Abiy Ahmed Ali ayaa balan-qaaday in aysan waxyeello u geysan doonin saamiga Masar ku leedahay Wabiga Niil, isagoo mar kale ugu laab-qaboojiyay dowladda iyo shacabka Masar in dalkiisa diyaar u yahay inuu xoojiyo xiriirka labada dal.

Shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen isaga iyo Madaxweynaha Masar ayaa kaga hadleen waxyaabaha ay kulankooda ugu hadleen, sida xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimaha xal ka gaarista Wabiga Niil

“Annaga, marnaba dareen kama lihin inaan sabab u noqono waxyeelo kasta oo soo gaarta dalka Masar iyo dadkiis, waxaan doonaynaa inaan ka macaashno Webiga Niil, iyadoo aan la waxyeeli doonin Danaha Masaarida” ayuu yiri  Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo caddeeyay inay dib u dhisi doonaan kalsoonidii kala dhaxeysay dalka Masar.

Madaxweynaha Masar C/fataax Al-Sisi ayaa soo dhoweeyay hadalka iyo niyad samida uu muujiyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, waxaana uu ku tilmaamay mid dhabbaha u xaareysa xoojinta xiriirka labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayaa booqasho labo maalmood ku jooga dalka Masar, waxaa uu horay u booqday dalalka deriska iyo kuwa kale oo ka baxsan Afrika.

Nagala Soco You