Madaxweyne Erdogan oo ka jawaabay hadal hayn ku saabsan isaga iyo Bishaar Al-Asad

X

Madaxweyne Erdogan oo ka jawaabay hadal hayn ku saabsan isaga iyo Bishaar Al-Asad

Erdogan

Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa ka jawaabay su’aalalo ay waydiiyeen suxufiyiin Turkish ah kadib shirkii G-20 ee Indonesia ka dhacay.

Mar wax laga weydiiyay suurtagalnimada in uu la kulmo Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-Asad iyo xiriirka Turkiga uu la leeyahay Suuriya iyo Masar, wuxuu yiri Erdogan, “Ma jiri karto caro siyaasadee weligeed. Marka wakhtigu yimaado, waa in aad fariisataa oo aad, qiimeeysaa, waxaad samayn karto oo ah  cusbooneysiin ku habboon.”

Erdogan, ayaa sheegay in xilligaan ay tahay in Turkigu ka fiirsado xiriirka kala dhaxeeya dalalka xurguftu ka dhaxeyso.”Waqti xaadirkaa , Turki ahaan, waxaan dib u eegi karnaa xiriirka aan la leenahay dalalka ay dhibaatada naga haysato”.ayuu yiri Erdogan.

Wuxuu intaas ku daray:-“Waanu samayn karnaa mar kale, gaar ahaan doorashada June kadib. Sidaas awgeed, waxaan rajeynayaa inaan sii hayno jihada aan u socono.”.X

Madaxweynaha Turkiga ayaan faah-faahin dheeri ah ka bixin su’aalaha laga waydiyay suurtagalnimada ah inuu la kulmayo madaxweynaha Suuriya Bishaar Al-Asad. Hase yeeshee waxaa la ogyahay in dhowr mar uu horey u sheegay in marka kulankaas waqtigiisu yimaado uu dhacyo.

.

Turkiga ayaa ka mid ah dalalkii militeri ahaan ugu lug yeeshay dagaalka Suuriya oo markii hore ka dhex qarxay ciidamada daacadda u ah dowladda madaxweyne Aasad iyo xoogagga mucaaradka ah ee isku dayay in ay xukunkiisa ridaan.

Horaantii bishii October ee sanadkii 2019-kii ayuu Turkiga howlgal militeri ku galay Suuriya oo ay uga tallaabeen dhinaca xadka waqooyi. Militeriga Turkiga ayaa bartilmaameedsanayay xoogagga ay Kurdiyiintu hoggaamiyaan ee ku sugnaa aaggaas.

Tallaabada Turkiga ayaa daba socotay go’aankii uu Mareykanka ciidamadiisa uga saaray Suuriya ka dib markii ay in muddo ah ka fulinayeen dhaqdhaqaaqyo militeri.

Afar maalmood markii uu socday howlgalka Turkiga, Kurdiyiinta ayaa heshiis la galay dowladda Suuriya si ay ciidankeeda ugu soo dirto ayna uga caawiyaan iska caabbinta gulufta Turkiga.

Saameynta milateri ee dalka Turkiga ayaa sanadihii dambe aad loo dareemay, waxaan ugu dambeeyay ciidamada Turkiga uu u diray dalka Libya iyo kuwii kasii horeeyay ee hawlgalka ku fuliyay waqooyiga dalka Suuriya.

Turkiga oo sidoo kale kamid ah ciidanka Gaashaanbuurta NATO, saldhig aad u ballaaranna ku leh magaalada Muqdisho ee Soomaaliya ayaa wargeyska the Global Fire power oo ah mid wax ka qora arrimaha milateriga caalamka waxaa uu ku qiimeeyay in uu yahay ciidanka ugu awoodda badan bariga dhexe.

Dowladda Turkiga ayaa sanadihii dambe xoogga saartay maalgelinta ciidanka, kadib afgembigii dhicisoobay ee sanadkii 2016-ka, waxaana xukuumadda Ankara ay xiriir milateri la yeelatay dalal ay kamid yihiin Ruushka, Qatar iyo Soomaaliya oo ay ku leedahay saldhigga ugu weyn ee ku yaala meel ka baxsan Turkiga.