Danjire reer Yurub oo diblomaasiyiinta Afrika ka cadheysiiyey

Xigasho (BBC Somali service)

Dragos Tigau
Qoraalka sawirka,Dragos Tigau

11 Juunyo 2023

Romania ayaa u yeertay safiirkeedii u fadhiyay Kenya isla markaana raaligelin ka bixisay kadib markii uu Afrikaanka la barbar dhigay daanyeerro.

Dragos Tigau ayaa hadalkan ka sheegay kulan ka dhacay dhisme ay Qaramada Midoobay ku leedahay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya 26-kii April.

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AFP, Mr Tigau ayaa yiri “kooxda Afrikaanka ah ayaa nagu soo biirtay” oo uu ula jeeday danyeerro kasoo muuqday dariishadda dhismaha.

Dhaqanka Mr Tigau ayaa waxaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday Khamiistii shalay sarkaal ka tirsan waaxda arrimaha dibadda Kenya Kamau Macharia.

Bartiisa Twitter-ka ayuu Mr Macharia kusoo qoray in uu “yaaban yahay oo uu ka yaqyaqsaday” hadalka, wuxuuna ku andacooday in la isku dayay in la qariyo hab-dhaqanka Mr Tigau oo hoos loo xaliyo.

Dublamaasiyiinta Afrikaanka ah ayaa Jimcihii dalbaday raaligelin dadweyne, sida uu qoray wargeyska Standard ee Kenya, iyagoo ku adkaystay in raalligelin hoose aysan ku filnayn.

Sabtidii, Romania waxay ku dhawaaqday in kaliya lagu wargeliyay dhacdada toddobaadkan oo ay hadda bilaabeen “habraaca dib loogu yeeray safiirka”.

“Aad ayaan uga xunahay xaaladdan, waxaanan raali gelin ka bixinaynaa dhammaan dadkii ay arrintani saameysay,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Romania.

“Dhaqan kasta ama faallo kasta oo ku saabsan dabeecadda cunsuriyadda gabi ahaanba waa wax aan la aqbali karin,” ayay raacisay, iyadoo sheegtay inay rajeynayso inaysan saameyn ku yeelan xiriirka ay la leedahay dalalka Afrika.

Romania inta badan waxay la xidhiidhaa wadamada Afrika iyada oo ka mid ah xubnaha Midowga Yurub, laakiin waxay la leedahay heshiisyo ganacsi oo laba geesood ah Masar iyo kuwo kale.

Dowladda Kenya ayaan ka hadlin go’aanka loogu yeeray Mr Tigau.

Warbaahinta Romania ayaa dhaleeceysay hab-dhaqankiisa, waxayna sheegeen in tani aysan ahayn markii ugu horreysay oo dalkaas ay ceebayso aflagaaddo ay diplomaasiyiintu sameeyeen.

Siyaasiyiinta Afrika
Qoraalka sawirka,Diblomaasiyiinta ayaa sheegay in ay la amakaageen hadalka cunsuriyadda ah ee Dragos Tigau kasoo yeeray

Sannadkii 2014-kii, safiirkii Romania u fadhiyay Armenia ayaa dib loogu yeeray ka dib markii uu kaftan naceyb ah ka sameeyay madaxda Yuhuuda oo uu su’aal galiyay anshaxa xiriirka dadka isku jinsiga ah.

Sannadkii xigay, Bucharest ayaa raaligelin bixiyay ka dib markii lagu martiqaaday soo dhawaynta safaaradeeda Paris si lama filaan ah ay ugu jirtay sharraxaadyo aan wanaagsanayn oo ku saabsan martida qaar – iyaga oo ku calaamadiyay “wax xun” iyo “aan la rabin” iyo waxyaabo kale.

Dhaqanka ah in Afrikaanka ay diplomaasiyiinta reer galbeedku ku tilmaamaan daanyeerro ayaan ahany mid cusub ama ku eg Romania.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Ronald Reagan ayaa ku tilmaamay wufuudda Afrikaan ah ee Qaramada Midoobay “Daayeero”, cajalado 2019kii la soo saaray oo ay daabacday majalad Mareykan ah.

Waxa uu faallooyinkan ku sheegay 1971-kii taleefoon uu kula xidhiidhay madaxweynihii xilligaas ee Richard Nixon.

Mr Reagan, oo xilligaas ahaa barasaabka California, ayaa ka carooday in wufuud Afrikaan ah oo Qaramada Midoobay u codeysay ay ka safteen Mareykanka.

Xubnaha wafdiga Tanzania ayaa bilaabay qoob ka ciyaar ka dib markii Qaramada Midoobay ay u codeysay in la aqoonsado Shiinaha lana saaro Taiwan.

Mr Reagan, oo taageere u ahaa Taiwan, ayaa wacay madaxweynaha maalintii xigtay si uu u muujiyo sida uu uga xun yahay.

Wuxuu yiri: “In aan arko… daayeerrada ka yimid dalalka Afrika – nacladda aan xitaa weli baran sida gabaha loo xidho!”

Mr Nixon, oo xilka madaxweynenimada iska casilay 1974-tii, ayaa markaas la maqlayay isagoo qoslaya.