
Theresa May oo rabta doorasho wakhtigeedii laga soo hormariyay

Ra’iisalwasaaraha Britain Theresa May ayaa ku dhawaaqday qorsheyaal lagu hirgalinayo doorasho wakhtigeedi laga soo hormariyay oo dhacda 8 Juun.
May waxay sheegtay in Britain ay u baahantahay hubanti, degenaansho iyo hogaan awood leh, arrintaas oo dabo socota aftidii ay Britain ku go’aansatay in ay kaga baxdo Midawga Yurub.
Hogaamiyaha mucaaradka Jeremy Corbyn ayaa sheegay in xisbiga Shaaqaaluhu uu rabay doorasho, isaga oo ku tilmaamay fursad lagu helikaro dawlad “ahmiyad siisa aqlabiyadda”.
May oo sharaxaad ka bixinaysa isbadalkan ka yimid maskaxdeeda ayaa sheegtay in “ay fikirkeedii ku soo gunaanaday in qabashada doorashadan ay tahay habka kali ah ee lagu hanan karo hubanti iyo degenaansho”.