
Waxa Garoonka Muumin Dolal Wali Si Rasmiya Uga Socda Tartanka Bisha Ramadaan Ee Waddani Cup iyada Oo Galabta Ciyaartii Hore ay Dhexmartay Kooxaha Borama International Hospital Vs New Dubai, Ciyaartan Labada kooxood Fooda Isku Dareen ayaa ahayd Kulankii Ugu Danbeyey Ee Wareega Koowaad Ee Tartankaasi Iyada Oo Ciyaartaasi Ku Soo Idlaatay 3:1 Ay Guushu Raacday New Dubai.
Waxa Ciyaarta Labaad ay Iyadna Dhexmaratay Galabta Bogaad Clinic Vs Sh.Yaasiin Store Oo Lagu Furay Wareega Labaad Ee Tartanka Bisha Ramadaan Iyada Oo Labada Kooxood Mid Walba Ugu Soo Talogalay Inuu Badiyo ayaa Haba Yaratee ayna Kulankaasi Ku Kala adkaan waxa ayna Ciyaartu Ku Soo Idlaatay 5:5.