
Madaxweynaha Dawlad Goboledka Khaatumo State Of Somalia Dr Ali khalif Galaydh Oo Maanta Gaaray Xarun Goboleedka Awdal Ee Boorama Halkas Si Diiran Loogusoo Dhaweyey, Dabcan Sodhaweyn Kadib Waxa Loo Gudbiyey Madaxwaynaha Xarunta Jamacada Amoud Oo Lagu Casuumay.
Sida Aan Xogta Ku Helayno Waxa Ay Tilmamaysa Madaxwaynaha In Uu Casuumad Ka Helay Gudoomiyaha Jamacada Amoud University Oo Ah Nin MD Galaydh Si Dhaw Sxb Uu Ahayen Xiliyadii Ay Waxbarshada Ku Jireen.
Sido Kale Xarun Goboleedka Awdal Ee Borama Waxaa iyana Ku Balansan Gudida Wadahadalka Khaatumo & SNM Oo Halkas Ku Yelanaya Kulan Ay Ku Shaacinayan Halka Lagu Qabanayo Wajiga Sadexaad Ee Wada Xajoodka Khaatumo & SNM.
Waxa la ogsoonyahay in Gobolka Awdal State xoog lagu haysto. Markastana dadka reer Awdal lagu dheeldheelo oo lagu digto. Waxa kale oo la ogyahay in marka SNMtu borabagaandho fidsaneeysana aay la soo doonato Awdal si aay sumcada uga dilaan dadka reer Awdal.
Waxa kale oo xusid mudan in dhalinyarta reer Awdal State qasab loogu dhigo taarikhda SNM kuwaasoo gumaad ba’an oo bili’aadnimada ka baxsan ka geeystay Awdal State.