Theresa May “oo aan iscasili doonin” natiijada awgeed.
Lahaanshaha sawirka PA
Ra’iisul wasaaraha Britain, Theresa May, ayaan iscasili doonin ka dib markii uu xisbigeeda muxaafidka ku lumiyay aqlabiyadda uu ku lahaa baarlamaanka doorashadii Khamiistii ka dhacday dalkaasi, sida ay ogaatay BBC.
Inkastoo uu xisbiga muxaafidka lumiyay kuraas uu ku lahaa baarlamaanka, ayaa haddana weli waxa uu yahay kan ugu weyn UK.
Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka, Jeremy Corbyn ayaa ugu baaqay Theresa May inay iscasisho, balse waxay sheegtay inuu dalku u baahan yahay ”xasilooni” taasoo uu xisbigeedu keeni kara.
Doorashadan oo ah mid wakhtigeeda laga soo hormariyay oo ay ku baaqday ra’iisalwasaaraha dalkaasi Theresa May, waxaana isu diiwaangeliyay in ay codkooda ku dhawaad 46.9 milyan oo qof.
Cod bixiyayaasha qaarkood goor hore ayayba codkooda u dhiibteen, oo waxa ay ku soo gudbiyeen boostada.
Codbixintan ayaa noqonaysa tii saddexaad oo dalkaasi ka dhacda muddo aan ka badnayn labo sano gudahood.
Doorashadii guud ee dalkaasi ka dhacday 2015 ayaa waxaa isu diiwaangeliyay inay codeeyaan 46.4 milyan oo qof.
Dadka u soo baxay doorashadii 2015, markii xisbiga muxaafidka uu ku guulaystay 331 ka mid ah 650 kursi, ayaa waxa ay aheyd boqolkiiba 66.4, taas oo ka sarreysay doorashadii 2010.