Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay Heshiiskii Dekeda Boosaaso kula wareegtay DP World

Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay Heshiiskii Dekeda Boosaaso kula wareegtay DP World

by A M Thursday, Jul 27, 2017 

July 27 (Jowhar)— Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Heshiiskii Dekeda Boosaaso kula wareegeyso Shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta oo lagu magacaabo DP World.

Heshiiskan ayaa waxaa Baarlamaanka hor-keenay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Siciid Maxamed oo ka hor akhriyay heshiiskaas, iyadoo la soo bandhigay Filim laga diyaariyay mashaariicda dhismaha iyo ballaarinta lagu sameynayo Dekeda Boosaaso.

Xildhibaanada ayaa dood, falanqeyn iyo su’aalo weydiin kaddib waxay isku raaceen in ansixinta heshiiska, waxaana 60 mudane kulanka soo xaadiray 59 ka mid ah ay ogolaatay, halka Hal xildhibaan uu diiday.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa ku dhawaaqay go’aanka, isagoo sheegay inay ansax tahay heshiiskaas oo Xildhibaanada ay si aqlabiyad leh u meel mariyeen

Sidoo kale Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa meel mariyay heshiis ku saabsanaa dhismaha Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, wadada Garowe iyo Eyl oo ay fulineyso shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha oo lagu magacaabo CCECC.

Madaxweynaha Puntland ayaa horaantii sanadkan waxaa uu heshiis Dekeda Boosaaso kula wareegayaan uu la soo galay Shirkadda DP World, heshiiskan ayaa dhigaya in muddo 30 sano ah ay dekeda Boosaaso maamusho shirkadd DP World,  Taa bedelkeedana lagu maalgaliyo Lacag qiimo ahaan dhan $336 milyan oo dollar (Saddex boqol iyo Sodon iyo Lix Milyan), iyadoo Shirkadda DP world ay wajiga kowaad ee mashruuca ku bixin doonto 136 Milyan  milyan oo dollar, wajiga labaadna 200  milyan Doolar.