Maxkamadda Iiran oo ayidday xarigga jaajuus Mareykanka u dhashay

Maxkamad ku taalla dalka Iiraan ayaa taageertay xarigga tobanka sano ah ee lagu xukumay nin u dhashay dalka Mareykanka oo jaajuusnimo lagu eedeeyay.

Ninkan ka soo jeeda Shiinaha oo haysta dhalashada Mareykanka, Xiyue Wang ayaa la xiray bishii July isagoo lagu eedeeyay inuu la shaqeynayay dowlado shisheeye, taas oo uu dafiray.

Waxaa la xiray xilli uu baaritaan jaamacadeed ka sameynayay gudaha Iiraan.

Saddex qof oo kale ayaa sidoo kale la xiray. Labo haysata dhalasha Mareykanka laakiin Iiraan ka soo jeeda iyo qof u dhashay Lubnaan.

Xukunka maxkamadda ayaa ku soo aadaya xilli ay sii xooganeyso xiisadda u dhaxeysa Iiraan iyo Mareykanka.

Xukuumadda Washington ayaa dalbatay in degdeg loo sii daayo dadka haysta dhalashad dalkaas, kuwaas oo ay sheegtay in loo haysto dembiyo la soo dhoodhoobay.

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa Iiraan ku eedeysay inay dhibaato iyo xarig u geysato muwaaddiniinta Mareykanka.