Somalia oo Tuunis kaga qayb-galaysa ciyaaraha Adduunka ee World MiniFootball cup

Somalia ayaa markii ugu horeysay taariikhda ka qayb-galaysa ciyaaraha adduunka ee World MiniFootball Cup ,waxaana tartankan oo ka dhacaya dalka Tunisia qayb ka ah xulal waa weyn oo kubad-da dunida caan ku ah.

Wafdiga Somalia uga qayb-galaya tartanka ayaa waxaa uu ka kooban-yahay kooxda dalkeena u  matalaysa tartanka oo ay wehliyaan  gudoomiye ku xigeenka koowaad ee tartankan Legend Abdixaq Ahmed iyo Faarax Ismaaciil oo ah wariye madax banaan oo fadhigiisu uu yahay dalka Denmark ,isla markaana soo tabin doona ciyaarahan.

Somalia oo aan wali la soo saarin xulalka ay isku dhici doonaan tartankan ayaa la filayaa in ay guul muuqata ka keento tartankan oo muhiim u ah xulal ka qayb-galaya , isla markaana kamid ah koobabka waa weyn ee loo qabto xulalka adduunka.