Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ka codsatay Mareykanka taageero milatari oo deg deg ah sababtuna waxay ku sheegtay mintidiinta Al-Shabaab ay qorsheynayaan in dalka Iraan ay u dhoofiyaan macdanta Yuuraaniyaamta.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo dhambaal u diray safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Stephen Schwartz, ayaa sheegay in kooxda mintidka ahi ay qabsatay dhul muhiim ah oo hodan ku ah macdanta Yuuraaniyaamta oo ku yaala bartamaha Soomaaliya, gaar ahaan Galmudug.
Sida ku cad dhambaalka wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, ujeedada Al-Shabaab ayaa ah in macdantaasi ay u dhoofiso dalka Iraan.
Dhambaalkaasi ayaa lagu sheegay in arrintaasi ay halis ku tahay guud ahaan beesha caalamka, oo ay ku ekaan doonin oo kaliya xudduudaha Soomaaliya.
“Mareykanka oo kaliya ayaa awood u leh in uu ogaado isla markaana uu burburiyo shakhsiyaadka Al-Shabaab ee ka hawlgala dalkayaga,” ayuu Yuusuf Garaad ku yiri dhambaalkiisa.
Wasiirku waxa uu intaasi ku daray ” Wakhtiga duqeynta bartilmaameedka leh iyo ka qaybqaadashada xaddidan waa la soo dhaafay, maaddaama dhibaatooyinka Soomaaliya ay la falgashay dhibaatooyinka caalamka. Maalin kastaa oo dhammaata iyada oo aanay jirin faragelin ayaa waxaa ay siineysaa cadawga Mareykanka agab dheeraad ah oo loogu talagalay hubka Niyuukleerka.”
Inkastoo xukuumadda Muqdisho ay kaalmo milatari oo deg deg ah weydiisaneyso Mareykanka sababo la xiriira dhibaatada hadda jirta oo ka baaxad weyn ciidamada hawlgalka midowga Afrika ee waddankeeda jooga, haddana waaxda arrimaha dibadda Mareykanka wali kama aysan jawaabin codsiga Soomaaliya.