Maxay ka dhigantahay tijaabadii ugu dambeysay ee nuyuukleerka Kuuriyada Waqooyi?(Warbixin)

Dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in ay sii diyaargaroobayso kadib markii ay soo baxeen macluumaad dheeraad ah oo la xiriira tijaabooyin hor leh oo ay samaysay dowladda Kuuriyada Waqooyi, iyada oo tijaabadii ugu dambaysay uu ahaa bam sababi kara dhulgariir cabbirkiisa dhanyahay 6.3 darajo.

Xoghayaha difaaca Maraykanka James Mattis ayaa sheegay in halis kasta lagu wajihi doono talaabo militari oo aad u weyn.

Haddaba iyada oo ay arrimahaasi jiraan, ayaa wariyaha BBC-da ee difaaca iyo dublamaasiyadda Jonathan Marcus waxa uu warbixintan ku eegayaa dhinacyada kala duwan ee arrintan leedahay.

Dagaal ma dhici doonaa?

Ma jirto qof rajaynaya in uu dagaal dhoco, waana ay adagtahay in la malaysto in uu qarxo dagaal aanan waxbo la’isu reebanin. Maraykanka waxa uu qabaa in Kuuriyada Waqooyi aysan samayn doonin wax keena halista ah in uu dagaal qarxo.

Dagaal dhaca waxa uu sababi karaa in dhinacyada ay xitaa isu isticmaalaan hubka nuyuukleerka , kaasi oo aanan la isticmaalin illaa xiligii uu dhamaaday dagaalkii labaad ee adduunka.

Waxay u badantahay ayaa la leeyahay in dagaalka kadib uusan jiri doonin dal la yiraahdo Kuuriyada Waqooyi, balse qasaaraha ka dhashaa waxa uu noqon karaa mid aanan la qiyaasi karin. Waxaase laga yaabaa in xukuumadda Pyongyang ay fahmi karto halista heerkaas ah.

Yaa ka qeybgalaya dagaalka, doorkoodana muxuu noqon ?

 

Biloowga dagaalka waxa uu noqon doonaa mid u dhaxeeya Kuuriyada Waqooyi iyo inta kale ee adduunka, gaar ahaan Kuuriyada Koonfureed iyo Maraykanka oo isku dhinac ah.

Waa ay adagtahay in lasii sheego kaalinta Japan haddii aanan iyada si toos ah loo weerarin, balse waxaa xusid mudan in ciidamo badan oo Maraykan ah ay halkaasi saldhig ku leeyihiin.

Maraykanka waxa uu taageero weydiisan doonaa golaha ammaanka ee Qaramada Midobay, taas oo haddii la siin waayo, uu sidoo kale weydiisan doonaa xulafadiisa, balse lama sheegi karo dhab ahaan illaa heerka ay dagaalka la galayaan xulufada.

Dagaalka ma horseedi karaa in hubka nuyuukleerka la’isu adeegsado?

Uma badna in taasi dhacdo, balse lama saadaalin karo waxa uu Shiinaha samayn doono haddii dagaal qarxo, mala oran karaa waxa uu usoo gurman doonaa Kuuriyada Waqooyi sidii dhacday dagaalkii labada Kuuriya ee dhacay 1950aadkii?.

Shiinaha iyo Kuuriyada Waqooyi waxaa ka dhaxeeya heshiis difaac oo qoto dheer, balse taas oo jirta haddane qasab ma ahan in Shiinaha uu dagaalka dhinac kasoo galo.

Maxay tahay sababta Maraykanka u aqbali la’yahay in Kuuriyada Waqooyi heysato hubka nuyuukleerka?

Waqtigan la taaganyahay Kuuriyada Waqooyi waa quwad heysata hubka nuyuukleerka, intii muddo ahna waxa ay heysatay gantaalo dhexe oo nuyuukleer ah.

Waxa hadda arrimaha uga sii daraya ayaa ah in Kuuriyada Waqooyi ay aad sare ugu qaadday hanjabaadda iyo halista ay ku hayso Maraykanka, iyo gooddiga ah isticmaalka hubkan.

In la baabi’iyo awoodda nuyuukleerka ee Kuuriya Waqooyi waa mid aan hadda suurtogal ahayn, balse waxaa mustaqbalka la samayn karaa in kaliya la xakameeyo.

Ma jiraa xal dublamaasiyadeed ?

Waa ay adagtahay in la ogaado xawliga ay ku socoto farsamaynta hubka nuyuukleerka ee Kuuriyada Waqooyi , waxaase iska cad in maalin kasta ay usii dhawaanayaan in ay dhamaystiraan hawsha samaynta gantaalada ridada dheer iyo hubka nuyuukleerka intuba.

Dhammaan dadaaladii dublamaasiyadeed ee la galay waxa ay ku salaysnaayeen in la tirtiro nuyuukleerka Kuuriyada Waqooyi, balse hadda waqtigan la taaganyahay ma cadda natiijada la doonayo in laga gaaro wadahalada.

Dhibka ugu badan waxa uu ka jiraa hoggaanka hadda ee Kuuriyada Waqooyi oo ah mid mayal adag.

Waa sidee xaalka Shiinaha?

Shiinaha waxa uu ka mid yahay udub dhexaadka waxa socda oo dhan. Waa maroo Shiinaha ma doonayo in Kuuriyada Waqooyi haysato nuyuukleer, haddane mar kale ma doonayso in la baabi’iyo Kuuriyada Waqooyi.

Haddii la burburiyo Kuuriyada Waqooyi waxaa ka dhalanaya qaxooti aad u badan oo gala Shiinaha, waxaa kale oo ka dhalanaya midoowga labada Kuuriya oo noqon kara meel Maraykanka saamaynta ugu badan ku leeyahay oo haddane iyaga daris la ah.

In sidaasi ay dhacdo ayaa uga daran marka la barbar dhigo dal daris ah oo Nuyuukleer haysta.

Kuuriyada Waqooyi waa dal go’doon ah, garabka kaliya ee ay haysatana waa Shiinaha, sidaasi oo ay tahay tijaabooyinkii ay dhawaan samaysay waxa ay ahaayeen kuwa ka xishoodsiiyay Shiinaha, kana caraysiiyay Maraykanka.

Shiinaha iyo Ruushka oo wada socda ayaa soo bandhigay qorshe cusub oo nuyuukleerka looga mamnuucayo gacanta Kuuriya, laguna xalinayo dagaalkii labada Kuuriya

Balse Kuuriyada Waqooyi wali lagama arag wax tixgalin ah oo ay u hayso qorshahan cusub.