Cumar Cabdirashiid: “Dhiibtanka Qalbi-dhagax waa khalad weyn, ONLF caalamku uma aqoonsana argagixiso”

Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliyeed Cumar Cabdirashiid Cali ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamey in Xukuumaddii uu Ra’iisul Wasaaraha ka ahaa ay Dowladda Itoobiya la gashay heshiis ay isku dhaafsanayaan maxaabiista iyo muwaadiniin.

Xildhibaan Cumar Cabdirashiid oo wareysi gaar ah siiyay Raadiyaha VOA ayaa sheegay in heshiiska ay xukuumadda Kheyre u cuskadeen dhiibistii Cabdikariin Qalbi-dhagax uu ahaa heshiis dhex maray dowladda deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo maamulka Galmudug oo xuduuda labada dal colaad ku dhex martay, kuwa heshiiska galayna kuma metalayn dowladda.

Cumar ayaa ku tilmaamey in heshiisyadaasi la xiriireen dad is laayey ee Dowladda Federaalku aysan shuqul ku lahayn.

….Haddii labo dal heshiis galayaan waxaa gala Madaxweynaha, Raysalwasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, wax aan gole Wasiiro looga doodin, Madaxweynuha saxiixin, Baarlamaanka la horkeenin wax sharciyad uu ka fadhiyo lama arko…:”ayuu yiri Sharmaarke

Dhiibtaainkii Cabdikariin Qalbi-dhagax ayuu ku tilmaamey in ay khalad ahayd, isdoo kale ONLF ayuu sheegay in aysan jirin meel caalamka looga aqoonsan yahay argagixiso in ay yihiin aan ka ahayn Itoobiya.

“Khalad weyn ayay aheyd dhiibistii Cabdikariin Qalbi-dhagax oo ah muwaadin Soomaali ah in loo gacan geliyo Itoobiya, ONLF meel kale adduunka ay sharci darro ka yihiin ma jirto, Mareykanka ayay shaqeeyaan iyo meelo kale”ayuu yiri Sharmaarke

Xukuumadda Xasan Cali Kheyre ayaa Cabdikariim Sheekh Muuse u gacan gelisey Itoobiya waxaana ay u cuskadeen heshiiska u dhexeeyey maamulka Jigjiga iyo maamulka Galmudug.