Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo caleemo qoyan u ruxay Trump

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo caleemo qoyan u ruxay Trump

  • 1 Jannaayo 2018
Kim iyo TrumpLahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Kim iyo Trump

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa jeediyay haddal hanjabaad iyo soo dhaweysasho isugu jira.

Waxa uu intaas ku daray in gantaalada ay gaari karaan meel kasta oo Maraykanka ka mid ah.

Waxa kale oo uu sheegay in koox ciyaartooy ah u diri doonaan magaalada Seoul ee dalka Kuuriyada Koonfureed, islamarkaasna wada xaajood gali doonaan labada dal.

Markii ay wariyeyaasha weeydiiyeen Trump in uu ka jawaabo hanjabaadda Kuuriyada Waqooyi ayuu yiri “Hagaag, waan arki doonaa”.

Kim ayaa sheegay in ay horumar weyn ka gaareen barnaaamijka hubka Nuyuukleerka, balse waxa uu qirtay in talaabooyin yaryar ay u dhimanyihiin in ay gaaraan halkii ay rabeen.

Ninka lagu magacaabo Youngshik Daniel Bong oo ka tirsan mac-hadka Yonsei, waxna ka dhiga culuumta daraasaadka Kuuriyada Waqooyi ayaa BBC-da u sheegay in hadalada Kim ee ku saabsan Kuuriyada Koonfureed ay ka dhiganyihiin isbadal weyn oo xagga siyaasadda ah oo uu la yimid.

Waxaa la sheegay in laga yaabo in culeyska cunaqabataynta saaran dalkaas ay ugu wacantahay in hadda xiriir wanaagsan lala yeesho Kuuryada Koonfureed.

Madaxa ciyaaraha olimbikada ee Kuuriyada Koonfureed Lee Hee-beom ayaa wakaaladda wararka dalkaas u sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay hadalka Kim ee ah in koox ciyaaraha ka qeyb qaata lasoo dirayo, isaga oo ku tilmaamay in ay ka dhigantahay sidii haddiyad qof loo keenay sanadka cusub awgiis.

Labada ciyaartooy ee kaliya ee u barmoostay in ay ka qeybqaadan karaan ciyaaraha ee Kuuriyada Waqooyi ayaa lagu kala magacaabaa Ryom Tae-Ok iyo Kim Ju-Sik. Waxayna aad ugu xeeldheeryihiin ciyaaraha barafka.

Inkasta oo Kuuriyada Waqooyi ay geftay waqtigii loogu talogalay in ay ciyaarahan isu diiwaangaliso, haddane waa ay ka qeybgali doonaan.