Tareenka Ethio-Djibouti Oo Si Rasmi Ah U Bilaabay Safarkiisii iyo waliba Qiimaha Rakaabka Iyo Rarka Oo La Shaaciyay

Tareenka Ethio-Djibouti Oo Si Rasmi Ah U Bilaabay Safarkiisii iyo waliba Qiimaha Rakaabka Iyo Rarka Oo La Shaaciyay

Addis Ababa, (cakaaranews) Arbaco, 3da January 2018 shirkada isgaadhsiinta  tareenada ayaa sheegatay in uu si rasmi ah tareenku u bilaabay adeegii safarka ee Ethio-Djibouti iyadoo shirkaduna ay shaacisay qiimaha ama sicirka rakaabka goobaha oo sii maro ilaa jabuuti iyo waliba qiimaha  rarka xamuulka.

Hadaba, agaasimaha Guud ee Shirkada Isgaadhsiinta Tareenka ee Ethio-Djibouti mudane Tilahun Sarka,ayaa sheegay in uu tareenku shaqadiisii si rasmi ah u bilaabay maanta oo arabaco ah qiimaha rakaabka waa 0.68 sentir halkii kilomitirba.Sidaa daraadeed, qiimaha adeegga ah ee halka kursi ee AddisAbaba ilaa Adama uu yahay 68birr. Dadka safarka ku jira qololka jiifka ah waxay bixin doonaan 91 birr sariirta sare, 125birr sariirta dhexe iyo waliba 137birr oo ah sariirta hoose.

Masuulka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in qiimaha Safarka ka yimaada Addis Ababa ilaa Jabuuti ee kursiga caadiga ahi uu yahay 503birr, halka kuwa safarka ku jira ee qololka jiifka ah ee korka sare ay bixin doonaan 671 birr ,qaybta dhexda ahna ay tahay 922 birr, meesha qaybta hoose ay qiimaheedu tahay 1,006 birr.

Sidookale, Eng tlahun ayaa wuxuu tilmaamay in qiimaha noolka ee kuwa ka safri doona Addis Ababa ilaa Dire Dawa uu yahay 308 birr oo ah kuwa kursiga caadiga ah, iyadoo qiimaha sariirta sare uu yahay 410birr, qiimaha sariiraha dhexena ay yihiin 564 birr meesha qiimaha sariirta oo sariirta hoose uu yahay 618birr.Iyadoo qiimaha noolka ee Kuwa ka safri doona Addis Ababa ilaa Jabuuti ee isticmaalaya qolol gaar ah laga filayo inay bixiyaan 1,258 birr sariirta sare iyo 1, 341 oo sariiraha hoose ah.

Dhanka kale, Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Itoobiya, mudane Axmed Shide oo isna warbaahinta u waramay ayaa shegay in mashruucan dhamaaday ee wadada tareenka ee Etio-Djabuti uu yahay mid adeegii safarkiisa si rasmi ah ubilaabay islamarkaana uu yahay guul weyn oo usoo hooyotay wadankeenan Itoobiya. Iyadoo adeegbixinta uu tareenkanina wax wayn kusoo kordhin doono dhaqaalaha dalka. Wuxuuna qayblibaax kaqaadan dhanka ganacsiga iyo iskuxidhka dalkeena iyo wadanka jabuuti.

Waxaa kale oo iyana kahadlay mashruucan Danjiraha Shiinaha U Fadhiya Ethiopia, Tan Jian, Iyo Waliba Dr Berhanu Bashah oo ah Madaxa Sare Ee Shirkadda Tareenka Ee Itoobiya,kaasoo sheegay in waddada tareenka, ama guud ahaanba mashruucani uu yahay mid kor uqaaday sumcadda qaranka ee Itoobiya, iyadoo mashruucanina uu waxkabadali doono bulsho badan oo ku kala nool dalkeena iyo dalka jabuuti labadaba haday tahay shaqo abuur iyo haday tahay kafaaiidaysiga ganacsiga. Wuxayna xuseen in adeega tareenkan casriga ahi uu dalka ka caawin doono dadaallada loo samaynayo islamarkaana si fudud ay uga soo qaadaan qalabka kala duwan ee dekedaha, kuwaas oo loo isticmaali karo gashiga xarumaha waawayn  ee warshadaha ee Itoobiya.

Iskusoowada duuboo, Mashruucan cusub ee casriga ah ayaa ahaa mid xadhiga looga jaray bishii October 2016waxaana si wadajir ah u leh wadamada Itoobiya iyo Jabuuti waxaana dhisey shirkada Shiinaha china Railway Group iyo China Engineering Corporation (CCECC).