(12/08/2016) Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya oo yeelanaya jaamacaddii ugu horeysay

Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa markiisii ugu horeysay yeelanaya jaamacad, taasi oo loogu magac daray Koofur Galbeed University.

Jaamaacadda ayaa laga dhisayaa magaalada Baydhabo, waxaana maamulka Koonfur Galbeda dhinaca dhismaha jaamacadda gacan ka siinaya dowladda Talyaaniga.

Madaxweyhana Shariif Xasan Sheekh oo ay weheliyaan wakiilo ka socoday dowladda Taliyaaniga ayaa dhaqax-dhigay Jaamacada, isla markaana lagu baran doono Shareecada.

Mudane Shariif Sheekh Aadan oo dhagx-dhiga kadib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in jaamacaddanay  muhiimad weyn u leedahay shacabka maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya