Xukuumada Soomaaliya ayaa waxay faahfaahin ka bixisay shir madaxeedka urur goboleedka IGAD ee bisha soo socota ka dhacaya magaalada Muqdisho.
Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada ee dowladda Soomaaliya C/salaan Cumar Hadliye oo la hadlay warbaainta ayaa sheegay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay xilligan diyaar u tahay martigelinta shir madaxeedka IGAD oo la filayo in bisha soo socota Muqdisho uu ka furmo.
Wasiirka ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen soo dhaweynta madaxda urur goboleedka IGAD oo la filayo magaaalada Muqdisho in ay soo gaaraan 5ta bisha 9aad.