(August 21,2016) Boqorka dalka Morocco oo ugu baaqay qurbajoogta in ay difaacaan dulqaadashada Islaamka ayna diidaan xagjirnimada.

Boqorka lixaad ee dalka Morocco Mohammed ayaa ugu baaqay dadka dalkaasi u dhashay ee ku nool dibedda in ay difaacaan dulqaadashada Islaamka ayna diidaan xagjirnimada.

 Dadkaasi intooda badan waxay ku nool yihiin qaaradda Yurub

Waa markii ugu horeysay uu boqor Maxamed uu khudbad u qabto shanta million ee reer Morocco ee ku nool qurbaha, arrintan ayaa ku soo aadeysa weeraradii dhawaan ka dhacay Yurub oo ay gaysteen kooxo xagjir ah.

 Dadka asal ahaan ka soo jeeda Morocco, balse heysta dhalashada Yurub ayaa ku lug lahaa weerarada qaar.

Waxa uu cambaareeyay dilka dadka aan waxba galabsan, waxa uuna intaa ku daray in dilkii loogeystay baadari ku sugnaa Faransiiska bishii hore ay tahay wax aan la cafiyi karin.

Boqor Maxamed ayaa sheegay in xagjiriinta ay ka faaiideysanayaan dhallinayarada Muslimka ah, si ay u faafiyaan fariimo marin habaabin ah oo ku saabsan Islamka ayna ka tagaan qiimaha ay diintu siisay nabadda