(August 24,2016) Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka oo gaaray Turkiga, ballan-qaadna u sameeyay dowladda dalkaasi

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne ku xigeenka Mareykanka John Biden ayaa maanta gaaray dalka Turkiga oo tan iyo markii uu fashinmay cinqilaabkii dalkaasi ka dhacay uu xiriirka labadaasi dal uu mad-madow soo kala dhex galay.

Xiriirka labada dal ayaa waxaa mad-madow kala dhex kgaliyay nin lagu magalaabo Fathillah Gulen oo ku nool dalka Mareykanka islamarkaana ay dowladda Turkigu ku eedeyneyso in uu ka dambeeyay afgambigii fashilmay ee 15-ka bishii July ka dhacay dalkaasi Turkiga.

Dowladda Turkiga ayaa ka dambatay Mareykanka in ninkaasi loo soo gacan-geliyo, balse dowladda Mareykanka ayaa arrintaasi ka biyo-diiday oo ku wargelisay dowladda Turkiga in ay caddeymo la taaban karo la timaado si loogu gacan-geliyo ninkaasi.

Haddana wafdiga maanta gaaray dalka Turkiga ayaa waxaa qeyb ka ah arrimaha ay u tageen dalkaasi si loo soo celiyo xiriirkii wanaagsanaa ee labada dal.

Mr. Biden ayaa ku taageeray dowladda Turkiga dagaalka ay ay maanta ku qaaday kooxaha ku sugan dalkaasi Suuriya oo ay ku jiraan kooxda Kurdida iyo ISIS.

Waxaa lagu wargeliyay r/wasaaraha dalkaasi Binali Yildirim oo qaabilay wafdiga Biden in Mareykanku ka teegeeri doono dhanka hawada dagaalka ay ku bileebeen kooxaha ku sugan Suuriya.