(August 26,2016) Maxkamadda Sare Ee Faransiiska Oo Fasaxday Dharka Asturan Ee Dabaasha Iyo Sababta Ay U Cuskatay.

Maxkamadda ugu saraysa dalka Faransiiska ayaa laashay mamnuucitaankii dharka asturan ee lagu dabaasho ee ka jirtay magaalada Villeneuve-Loubet.

Maxkamaddu waxay sheegtay in mamnuucitaankaasi uu ” si wayn oo cad wax ugu dhimay xoriyadda aas aasiga ah ee dadku u leeyihiin diinta iyo dhaqdhaqaaqa”

Go’aankasi ayaa laga yaabaa in uu tusaale u noqdo soddon magaalo oo kale oo mamnuucay dharka asturan ee lagu dabaasho.

Maxkamadda ayaa gadaal ka gaari doonta go’aanka kama dambaysta ah ee sharci ahaansha mamnuucitaanadaas.

Qaryaqaan taagnaa maxkamadda horteeda ayaa sheegay in dadkii lagu ganaaxay in ay dhar asturan qaateen ay dalbadaan in lacagtii ganaaxa loo soo celiyo.

Arrintan waxaa maxkamadda keenay dadka xuquuqda aadanaha u dhaqdhaqaaqa iyo dad ka soo horjeeda Islaam nacaybka.

Mamnuucitaanka dharkan asruran ee lagu dabaasho ayaa dood kulul ka dhaliyay Faransiiska iyo caalamkaba.

Ra’yi aruurin la sameeyay ayaa muujinaya in dadka Faransiiska intooda badan ay taageersanaayeen mamnuucitaanka, iyada oo madaxda magaalooyinkaas ay sheegeen in ay dhawrayaan kala dambaynta iyo cilmaaniyadda.

Muslimiintuna waxay sheegeen loo bartilmaameedsaday si aan cadaalad ahayn.