(September 03,2016) C/wali Gaas “Hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh Puntland ku yaraan-meyso, kuna weynaan-meyso”-VIDEO

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadal ka soo yeeray Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo ahaa in Puntland ay ka kooban tahay Labo Gobol iyo Bar.

Hadalkan ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ka jeediyay dood wadaag habeen hore ka baxayay Telefishinka Universal TV, isagoo tilmaamay in Puntland ay iminka tahay Sagaal gobol oo ay iskeed u sameysatay, balse lagu aas-aasay Labo Gobol iyo Bar.

C/wali Gaas oo maanta dib ugu laabtay Gaalkacyo, kadib safaro uu ku tagay Itoobiya, Turkiga iyo Jabuuti ayaa hadalka Madaxweynaha ku tilmaamay mid nacasnimo ah, isagoo xusay in Madaxweynuhu aanu kala aqoon Gobolada dalka.

“Waxaa rabaa inaan jawaab kooban ka bixiyo hadal aan is leeyahay waa nacasnimo in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka yiri Idaacadaha, oo ahaa in Puntland ay labo gobol iyo bar tahay, waxaa muuqata dalkana waa xukumayaa in uusan dalka kala aqoonin, doorashana waa ku jiraa dee Madaxweyninimo ayuu raadinayaa, waxaa u qaatay dhul badan oo ka mid ah Shabeellaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose muu raaciyay”ayuu si kulul u yiri Madaxweyne C/wali Gaas.

Gaas ayaa sheegay in hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh aysan Puntland ku yaraaneyno, kuna weynaaneyn, balse waxaa uu fariin u diray in Madaxweynaha uu kala barto gobolada dalka sida uu yiri.

“Hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh, kuna yaraan-meyso, kumana weynaan meyso, shan gobol iyo degmada Buuhoodle ayaa lagu aas aasay, maantana waa sagaal gobol haduu madaxweynaha uusan aqnoon anaga baraneyno, ha daawado, ha dhageysto, haa barto”ayuu yiri C/wali Gaas.

Puntland ayaa ah maamulkii u horeeyay ee Federaal ee dalka ka sameysma, iyadoo Gobolada Nugaal iyo Bari ay yihiin labada gobol oo aan lala wadaagin, marka laga reebo Mudug, Sanaag iyo Sool oo deegaanada qaar ay ka taliyaan maamulo kale.