
Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe Madaxweynaha iyo Kooxo uu ku sheegay in Xulafadiisa yihiin ay Musuqmaasuq ku hareeyeen.
Waxaana uu shaaca ka qaaday in Shirkaasi maamul u sameynta labada Gobol lagu cunay Madaxiisa 2 Million oo dollar-ka Maraykanka isagoo hoosta ka xariiqay in aysan jirin cid isugu timid Magaalada Jowhar oo ah Madasha Shirka maamul u sameynta Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan.
“ Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe waa la dhisaa in laleeyahay ma aragteen muddo 1 sano ah , waa qandaraas u socda Madaxweynaha iyo Kooxdiisa ayuu yiri” Salaad Cali Jeelle.
Siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa intaas ku daray in Wasaaradda Maaliyadda lacagaha looga xaabsado in Ergada ay kala tageyso sidaas daraadeed ay bixiso qarashaadka ku kaceysa.
“ maalin aan gabar reer Galbeed ah dowladdaan xumaanteeda aan u sharraxaayay anigoo ku dadaalaaya in dadkaas aysan nagu taageerin ayaa waxaan iri waa dowlad Musuqmaasuq ah , waa tuugo ayey tiri Wallaahi Billaahi inaan been idiin sheegeynin, waayo Musuqmaasuqa waxbaa la kala goostaa , midaan wax ay kuu reebee malahan” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.
Qaar ka mid ah duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa horay uga soo horjeestay Shirka maamul u sameynta labada Gobol oo madashiisu tahay Magaalada Jowhar.