
Madaxii hore ee Qaramada Midoobay, Kofi Annan, ayaa waji qalafan kala kulmay bulshada budista ee deegaanada xiisadaha colaadeed ee galbeedka dalka Myanmar halkaasoo uu baari doono khilaafka diimeed ee lagu barakaciyay tobanaan kun oo Muslimiinta Rohingya.
Boqolaal ayaa isugu soo baxay subaxnimadii Talaadada Garoonka Diyaaradaha Sittwe halkaa oo Annan kasoo degay si ay ugu muujiyaan in uusan soo dhaweyn.
qaar baa ku ooriyay iyagoo ku qaylinayeen “No Kofi madooneeno gudiga uu hogaaminayo Annan iyagoo lulaya calaamadaha ay ku qoranyyihiin ma dooneeno faragelinta eexda ajaanibta ee arrimaha xiisadaha gobolka Rakhine .
Annan, oo ballanqaaday inuu noqon dhexdhexaad habka uu u wajahayo colaadda, ayaa la filayaa in uu la kulmo madaxda Rakhine sidoo kale booqasho ku tagayo xeryaha halkaas oo tobanaan kun oo Muslimiinta Rohingya saboolnimada saameesay ku noolyihiin.
Si kastaba ha ahaatee, kooxda siyaasadda gobolka ugu weyn, ee xisbiga the Arakan National Party, ayaa hore meesha uga saaray iney la kulmayaan Annan.
Xubno ka tirsan bulshada Rohingya oo ku dhowaad hal-million-oo qof ayaa inta badan loo diiday muwaadinimada iyadoo dowladda aysan u aqoonsaneen dadka laga tirada badanyahay qowmiyadaha rasmiga ee dalkaasi.