
Cabdinuur Cali Aadan oo ah wasiirka wasaaradda warfaafinta maamulka Jubbaland-Soomaaliya ayaa ka hadlay markab jiriif ah oo weerar ku soo qaaday kalluumaysato Soomaaliyeed oo ku sugnaa jasiiradda Jawaas Xasaani ee gobolka Jubbada Hoose.
Mudane Cabdnuur Cali Aadan ayaa sheegay in weerarkaasi kalluumaysatada Soomaaliyeed lagaga dilay laba ruux, halka sagaal kalena lagaga dhaawacay.
Markabkan ayaa la sheegay in uu ku hubeysnaa qoryaha lidka diyaaradaha, isla markaana aan la ogeyn cidda iska leh iyo calanka uu ku gooshayay .
Kalluumaysatada Soomaaliyeed ayaa dhibaato xoogan kala kulma maraakiibta shishiiye ee sida sharci darrada ah uga kalluumaysta xeebaha Soomaaliya.
https://youtu.be/6jHSWLhiVgc
.