Laba Nabadoono oo galabta lagu dilay Magaalada Caabudwaaq

Laba nin oo Nabadoono ahaa, ayaa waxaa gelinkii dambe ee maanta lagu dilay Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Nabadoonada, ayaa waxaa lagu dilay maqaaxi ay fadhiyeen, ka dib markii ay ku weerareen niman la socday gaari nooca raaxada ah.

Raggaasi, ayaa oodda kaga qaaday rasaas aanay u meeldeyin, iyadoo ay goobtaasi ku dhinteen Nabadoonada, halka ay ku dhaawacantay toban ruux oo ka ag-dhaweyd.

Wararka caawa inaga soo gaaraya Magaalada Caabudwaaq, ayaa waxay sheegayaan in xaaladdu ay caawa tahay mid kacsan, waxaana Magaaladaasi laga maqlayaa rasaas.

Dilka Nabadoonada, ayaa waxaa la soo sheegayaa in uu salka ku haayo aanooyinka xagga beelaha.