
Hogaamiyaha koox muslim ah oo lagu magacaabo Jamil Mukulu ayaa xabsiga lagu hayndoonaa 14 bilood.
Eedaha loo haysto waxaa ugu weyn in khiyaano qaran uu sameeyay iyo inuu dil geystay.
Ninkan waxaa lagu eedeeyay inuu ahaa madixii kooxda mucaaradka ee ADF oo ah urur ka dagaallama inta u dhexeysa Bariga jamhuuriyadda Congo iyo ugandha, sanadkii 1990kii.
Dowladda Ugandha waxay kooxdiisa ku eedeysay dilka culimada Muslimiinta ee dalkaasi ka dhacay 2014kii.
Waxaa sidoo kale ururka ADF lagu eedeeyay inuu doonayo in dowladda uu rido.
Mr Mukulu waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu xiriir la leeyahay koox “argagixiso” oo caalami ah, waxaana lagu daray liiska xannibaadda ee Qaramada Midoobey sanadkii 2011kii.
Waxa xilligaasi lagu eedeeyay inuu curyaaminaayo dowladnimada dalka DR Congo.