
Sida ay sheegayaan warar naga soo gaadhaya shir duceedyo beelaysan oo 3dii maalmood ee ugu dambeeyay ka socda Hargeysa ayaa xaqiijiyay qorshe cusub oo loo dejiyay 6goobood ee Gobolka Awdal ee Hargeysa damacday.
Shir doceedyadani ayaa goobjooge ka mid ahaa dadkii loo yeedhay uu Boramanews si hoose ugu sheegay in lagu gorfeeyay sidii beesha Ciise ee deegaanka Lughaya iyo beesha Sacad Muuse is afgarad uga yeelan lahaayeen muranka deegaankaasi isla markaana beesha kale ee deegaankaasi dhinac looga mari lahaa.
Odayaal ku nool Hargeysa oo awood buurnayn ku leh beesha Ciise ayaa si gaara loogu casuumay goobta shirkaasi lagu qabtay guri ku yaala xaafada Jigjiga yar ee Hargeysa.
Goob joogahani ayaa sheegay in loo soo bandhigay inay aqbalaan in labada beelood isku dan yihiin isla markaana halgankii dal xoraynta (SNM) ay dhinac wada ahaayeen waajibna tahay in is afgarad laga yeesho muranka 6goobood.
Goobjoogahani ayaa sheegaya in qorshahu yahay in lahelo odayaal beesha Ciise ah oo taageera dhul balaadhsiga Hargeysa isla markaana aqbala in deegaankaasi ay labadoodu heshiis ku yihiin beesha kale ee deegaanka ahna dhinac laga maro.
Qorshahani oo la xaqiijiyay in Muuse Biixi iyo wasiiro ka tirsan xukuumada Siilaanyo gadhwadeen ka yihiin goobtana cagta soo galiyeen ayaa la sheegayaa in maalmaha soosocda la arki doono odayaal labada beelood ah oo lasoo abaabulay oo shirjaraa,id ku qabanaya Hargeysa isla markaana ku shaacinaya inay iska raali yihiin oo deegaankaasi Hargeysa isku fidin karto,oo diiwaangalin laga bilaabi karo.
Goobjoogahani ayaa sheegaya in Hargeysa abaabulkeedu yahay mid aan waxba dhawaranaynin Isla markaana ay beesha sacad Muuse aaminsan tahay inay tahay gu,doon markii beelaha deegaankaasi luqad kaliya kala horyimaadeen ,Hadada qorshani ayaa u muuqda mid haysta magacdawladeed oo Somaliland ah una muuqato inay isku halaynayaan in dhulkaasi u isticmaalayaan ciidamada Somaliland waa sida goobjoogahaasi shirkaasi kasoo maqlaye.
Shirarkani ayaa kusoo beegmaya xili shacabka Awdal guddo iyo dibadba ka midaysan yihiin difaaca dhulkooga isla markaana muuqato talaabo kasto oo Hargeysa ku rabto deeganada Gobolka Awdal.
Boramanews