
Murashaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo ay wehliyaan Xildhibaano iyo Siyaasiin kale ayaa xalay baaq ay kasoo saareen magaalada Muqdisho ku sheegay in maanta oo ah 10ka September uu wakhtigii ka dhamaaday Madaxweyne Xassan Shiikh.
Waxay ku baaqeen in Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha oo hada kamid ah murashaxiinta ay isaga guuraan xarunta Villa Soomaaliya isla markaana ay lamid noqdaan murashaxiinta kale.
Baaqan ayaa lagu sheegay in sida Dastuurku qabo ay tahay in Guddoomiyaha Baarlamaanka loo dhaariyo xilka Madaxweynaha si kumeel gaar ah inta laga gaarayo doorashada Madaxweynaha cusub.
Maanta oo ku beegan 10ka September ayaa waxaa ku eg wakhtigii loo dhaariyey Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud oo ku guuleystay doorashadii 2012.
Siyaasiyiinta baaqa soo saaray ayaa sheegay hadii ay Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha u hogaansami waayaan baaqan ay abaabuli doonaan mudaharaadyo nabadeed oo looga soo horjeedo. Dhinaca kale waxay kula taliyeen ciidamada dowlada iyo AMISOM inay si siman u illaaliyaan amniga dhamaan Murashaxiinta.
Waxaa looga digay baaqan in hay’adaha dowlada iyo Warfaafinta hoostagta Xukuumada aysan si gaar ah ugu adeegsan Madaxweyne Xasan iyo Raysalwasaare Cumar.