
Tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka dublamaasiyaddeed ee ka dhashay Jaadka Miirooga ee ay dawladda Soomaaliya joojisay, waxa ay dawladda federaalka Ethiopia ay si taxadar leh ula socotay arrintaas
Dawladda Ethiopia ayaa dano dhaqaale oo wayn ku qabta Somaliland, waxaannay maalinkasta ka heshaa Maaliyiin doollar oo ka soo gala Jaadka ay Somaliland ka iibiyaan, sidaa awgeed waxa ay si fiican ula socotaa dhaqdhaqaaqa dawladda Kenya oo si ay jaadka miirooga u keento Somaliland doonaysa inay kaga bedealato xidhiidh dublamaasiyaddeed.
Wasiirka Ammuuraha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre oo ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa waxay dawladda Ethiopia u soo bandhigtay inaanay marnaba suurto-gal ahayn
in Jaadka Miirooga loo soo wareejiyo Somaliland, waxaannay u sheegtay Dawladda Ethiopia in taasi ay hoos u dhigi karto xidhiidhka iskaashi ee mudada dheer u dhaxeeyay Somaliland iyo Ethiopia, sida ay sheegayaan xogo aanu ka helnay magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia.
Dhinaca kalenna, Wararka aannu helaynaa waxa ay sheegayaan in labada toddobaad ee foodda innagu soo haya uu Safar ku iman doonno Caasimadda Somaliland ee Hargaysa hoggaamiyaha mucaaridka Kenya Raila Odinga oo ay suurto-gal tahay inuu Xukuumadda Somaliland kala xaajooddo arrinta jaadka miirooga oo dawladda Xasan Sheekh Maxamuud u joojisay qaddiyad la xidhiidha Somaliland.
Warku waxa uu intaas ku daray in iyagunna ay magaalada Hargaysa iman doonaan toddobaadka danbe Wefti iskugu jira Xubnaha ka ganacsada jaadka Miirooga oo doonnaaya inay suuq cusub u helaan ganacsigoodda.
Si kastaba ha ahaatee toddobaadyada soo socda waxa la filayaa in Xukuumadda Somaliland ay dhexda u gasho dagaal dhinacyo badan oo salka ku haya mid dublamaasiyaddeed iyo ganacsi, waxaanna la eeggi doonnaa qaabka ay arrimahaas u waajahdo Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Hadhwanaagnews.com