
Musharaxa madaxtinimada xisbiga Dimuqraadiga Hillary Clinton ayaa sheegtay in ay aad u wanaagsan tahay xaaladeeda kadib markii ay si lama filaan ah ay ugaga tagtay munaasabad lagu xusayay 9/11 iyadoo xaaladeeda caafimaad aysan wanaagsanayn.
Kaaliyaasheeda ololaha doorashada ayaa waxa ay sheegeen in ay daashay ayna aaday guri ay ku leedahay gabadheeda magaalada New York. Musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee mucaaradka ku ah ayaa su’aal ka keenay xaalada caafimaad ee Hillary Clinton.
Hase yeeshee dhakhtarka Hillary ayaa sheegay inay si wanaagsan ugaga soo kabatay qalliin lagu sameeyay sanadkii 2012kii oo ahaa dhiigga xinjirow. Mrs Clinton dhakhtarkeeda gaarka ah Lisa Bardack ayaa sheegtay bishii hore in xaalada caafimaad ee Hillary uu aad u wanaagsan yahay ayna noqon karto Madaxweynaha dalka Maraykanka.
Dadka u ololeynaya Clinton ayaa waxa ay ku eedeeyeen mucaaradkeeda inay u isticmaalayaan arrimaha caafimaadka waxa ay ku ceebaayaan Hillary.
Iyadoo ka soo baxaysa guriga gabadheeda ayay Mrs Clinton sheegtay inay aad u wanaagsan tahay, waxayna dib ugu laabatay gurigeeda ku yaal Chappaqua,New York.
Muuqaal la soo dhigay Twitterka ayaa laga daawaday iyadoo Mrs Clinton ay caawinayaan kaaliyaasheeda kadib xaflada 9/11 iyadoo la saaray gaarigeeda.
Mrs Clinton ayaa la sheegay in muddo saacad iyo bar ay ku sugneyd munaasabadan goobtii ay ka dhaceysay iyadoo kuleyl badan uu ka jiray magaalada New York maanta.