Muslimiinta ku Nool Magaalada Minneapolis ee Dalka Mareykanka oo si wayn u Ciiiday – SAWIRO

Muslimiinta ku Nool Magaalada Minneapolis “Minnesota” ee Dalka Mareykanka, ayaa maanta si weyn isugu soo baxay si ay Munaasabada Ciidul-Adxaa ugu Dabaal Dagaan Waxaama Saladda Ciida ay ku dukadayn Masjid ku Yaal Magaalada.

Dadkii Salaadda ka qayb-galay waxaa qayb ka ahaa Haween iyo Carruur aad u fara badan oo wajiyadooda laga dheehanayay farxad maalinta 1-aad ee ciidul-adxa oo maanta si rasmi ah u billaabatay.

Munaasabadda Ciidul-Adxaa ayaa ka mid ah maalmaha ay dadka muslimiinta ahi ku ciidaan Dunida oo dhan, kaddib gudashada Waajibaadka Diiniga ah ee Xajka oo shalay ay malaayiin muslimiin ah u taagnaayeen buurta carrafo.

Sidoo kale, Carruur badan oo Magaalada dagan ayaa loo diyaariyay qalab kala duwan oo ay ku Cayaaraan, iyadoo Dadka waaweyn ay iyaguna ku il-doogsanayeen Ciyaarta iyo Farxadda Caruurtooda.