
Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaran ayaa isku raacay in Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo bishii hore loo caleema saaray Ugaaska Beesha Xawaadle inuu ka mid noqdo Odayaasha dhaqanka ee 135 ee soo xulaya Baarlamaanka.
Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo horay uga hor-yimid shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa marar badan eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya, isagoo diiday in Hiiraan lagu daro Sh/Dhexe, si maamul mideysan labada gobol loogu dhiso.
Siyaasiyiin iyo Musharaxiinta u taagan doorashada Madaxweynaha ayaa horay ugu eedeeyay Madaxda dowladda, gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh inuu ka saaray Liiska Odayaasha 135-ta Ugaas Xasan, isla markaana uu ku soo daray Odayaal ku mowqif ah.
Hase ahaatee shirkii Madasha ee ka dhacay Muqdisho intii u dhaxeysay 6-12 ayay Madaxdu isku raaceen in Ugaaska lagu daro odayaasha 135-ta Oday.
“Madashu waxay ansixisay in Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble yahay Duubka Xawaadle ugu jira liiska asal ah ee odayaasha dhaqanka 135, maadaama Beeshiisa ay si rasmi ah u caleema saaratay, waxaana lagu bedelay Cumar Ugaas”ayaa lagu yiri War murtiyeedka ka soo baxay Madasha Wada-tashiga Qaran.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowaan sheegay in Ugaas Xasan uu u aqoonsan yahay, isagoo mar la weydiiyay sababta loogu dari waayay Odayaasha 135-ta ayuu tilmaamay in dib u sixida odayaasha dhaqanka ay u arkeen inay dib u dhac keento, isla markaana waqti badan qaadato, waxaana uu xaqiijiyay in qaladaad badan ka jiro liiska 135-ta oday, balse horay loogu soo caana-maalay, Xildhibaanadii horena ay soo xuleen.
Lama oga go’aanka Madasha Wada-tashiga ee Hoggaamiyeyaasha Qaran waxa uu ka bedeli doono Mowqifka Ugaas Xasan oo ahaa nin mayal adag, isla markaana horay uga soo horjeestay Shirka Jowhar, iyadoo arrintan ku soo aadeyso, iyadoo la doonayo in dar dar lagu socodsiiyo Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo Axadii dib uga furmay Jowhar.