
Dowladda Jabuuti ayaa kaalinta ugu weyn ka qaadatay qabsoomida Shir madaxeedkii IGAD ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, inkastoo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle aanu ka qeyb galin shirka, Kadib cilid ku timid diyaaradii uu la socday, hadana waxaa uu lahaa doorka ugu weyn qaban qaabinta shirka.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jabuuti uu ku cadaadiyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn inuu ka qeyb galo shirka, kaddib markii ay soo baxday saacadihii u dambeeyay ee la isku diyaarinayay qaban qaabada in uusan Muqdisho imaaneyn.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in warqadii soo baxday 12-kii bishan oo ku saabsanaa in la baajiyay shirka IGAD waxay aheyd isku day dowladda Itoobiya wadatay oo ay ku dooneysay inay Shirka ku baajiso, warqadan ayaa layaab aheyd sida ay dibada ugu baxday, halka markii hore aheyd mid ay is-dhaafsanayeen gudaha IGAD.
Wararka ayaa intaa ku daraya in gelinkii hore ee Khamiistii saraakiil ka tirsan Safaaradda Itoobiya ee Muqdisho ay si hoose ah dad kala duwan ugu sheegeen in shirka baaqday.
Hase ahaatee dadaalo dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa dowladda Jabuuti u galeen arrintan ayaa markii dambe suura gelisay xaqiijinta qabsoomida shirka.