Booliska gobolka Bari oo gacanta ku soo dhigay hub sharci darro ah

Taliska qeybta booliska gobalka Bari ee Puntland -Soomaaliya ayaa warbaahinta u soo bandhigay hub ay sheegeen in ay ka soo qabteen mid ka mid ah doonyaha ku soo xirtay dekadda.

Hubka la soo bandhigay ayaa ahaa lix bastooladood oo lagu soo dhex qariyey dooni ganacsi oo ka timid dalka Yemen.

Taliyaha qeybta booliska gobalka Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseen ayaa sheegay in hubkan iyo rasaastoodaba laga keenay dalka Yemen, isla markaana lagu wareejiyey maxkamadda ciidamada qalabsida.

…Hubkaa iyo shaqsigii lagu soo qabtay waxaan u gudbinay maxkamadda ciidanka qalabka sida, iyadoo maxkamaddu ay isla markiiba u fariistay gal dacwadeedka kiiskan dood dheer kadib ay xakunka riday ayuu yiri Taliyaha qeybta booliska gobalka Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseen

Taliyaha qeybta booliska gobalka Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseen Axmed ayaa intaasi ku dary in shaqsi waday hubka oo lagu magacaabo Saalax lagu xukumay 20 sano oo xariga.

Inta badan hubka soo gala Puntland ayaa laga keenaa dalka Yemen