
Dib u celinta qaxootiga Soomalida ee ku jira xeryaha Dhadhaab ma uusan yeelanin hannaanka caalamiga ah ee ah inay iskood u noqdaan, sidaasi waxaa lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay’ad u dooda xuquuqda aadanaha.
Tobannaan kun oo qof oo qaxooti ah ayaa dalka Soomaaliya dib ugu noqonaya kaddib markii sanado badan ay ku noolaayeen xeryaha qaxootiga oo dowladda Kenya ay qorsheyneyso inay xirto.
Agaasimaha laanta xuquuqda qaxootiga, Bill Frelick, waxa uu sheegayaa in maamulka Kenya aysan dadka dhiban siinin fursad ay ku kala xushaan inay noqdaan ama iska joogaan.
Waxa uu sidoo kale sheegay in hay’adda qaxootiga ee UNHCR aysan dadka siin warar sax ah oo ku saabsan xaaladda amniga ee Soomaaliya.
Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya waxay horey uga wada hadleen in la xiro xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.
Sikastaba, maamulka Jubaland ayaa dhowaantan waxa ay diideen in qaxootiga loo gudbiyo dhanka Soomaaliya, waxayna sheegayaan inaan la siinin taageerada bini aadamnimo ee ay u baahan yihiin.
Go’aankaasi wuxuu dhaliyay in dad badan oo noqon lahaa ay ku xayiran yihiin xuduudda.