Dowlada Britain oo Raali galin ka bixisay dil Ciidankooda u geesteen Ahmed Jabbar Ali

Wasaarada Gaashaandhiga Dowlada Britain ayaa raali galin ka bixisay dil ciidankooda si ula kac ah ugu geesteen wiil 15-sano jir ah oo u dhashay dalka Ciraaq laguna magacaabi jiray Ahmed Jabbar Kareem Ali.

Dilka wiilkan ayaa ka dhacay magaalada Basra ee dalka Ciraaq sanadii 2003-dii, waxaana Ahmed Jabbar Kareem Ali uu kamid ahaa afar qof oo ciidamada Britain ay xireen iyaga oo ku eedeeyay in ay geesteen xatooyo.

Ciidamada Britain ayaa afartan qof ku ciqaabay in ay ku ridaan kanaal biyo badan dur dureen, waxaana halkaasi ku dhintay Ahmed Jabbar Kareem Ali oo la sheegay in uusan aqoonin dabaal kuna haftay biyihii lagu riday.

Wasaarada Gaashaandhiga Britain ayaa xilgaasi ka beri yeeshay in ciidankooda ay geesteen dil ula kac ah, hasa ahaatee Wasaarada ayaa hada qirtay in dilkaasi uu qalad weyn ahaa ayna ka bixinayaan raali galin.

Ciidanka Dowlada Britain ee ku duulay dalka Ciraaq ayaa lagu eedeeyay in tacadiy badan ay halkaasi ka geesteen ayna dilal bareer ah kula kaceen dad shacab sida lagu cadeeyay warbixino lasoo saaray oo ku aadaneed baaritaano tcadiyadaasi ku saabsanaa.