
Xafiiska Ol’olaha Trump ayaa war uu soo saaray ku sheegay in uu hadda qirsan yahay in madaxwayne Obama uu ku dhashay dalka Maraykanka.
Laakiin xafiiska Ol’olihiisa ayaa hadda ku eedaynaya Hillary Clinton oo ay is hayaan in ay iyadu billawday hadalkaas “la iska yiri” intii ay waday ol’olaheedii 2008-dii.
Iyada oo arrintan soo korodhay ka hadlaysana waxay Twitterkeeda ku soo qortay in qofka badalaya Madaxwayne Obama uusan noqon karin qof hormuud u ahaa dhaqdhaqaaqa ku doodaya in Obama uusan Maraykanka ku dhalanin.
Anthony Zurcher oo ah weriyaha BBC-da uga soo warama waqooyiga Ameerika wuxuu ku soo waramayaa in qoraalkan xafiiska Ol’olaha Trump uu aad uga fog yahay mid si khaldan u soo baxay maadaama oo uu saxiixay Jason Miller oo lataliye sare u ah Trump.