
Waxa ka soconaya gobolada Sanaag, Cayn iyo Sool qaban qaabo wufuudo kala duduwan oo ku Qulqulaya Balicad , kuwaasoo ka qaybgalaya shirweyne ay iclaamiyeen waxgaradka, qaybaha bulshada ee deegaanada Khaatumo kaasoo la doonayo in dib loogu xoogeeyo Khaatumo.
Shirkan ayaa waxa si weyn qaban qaabadiisa looga dareemaya magaalada Buuhoodle, waxana sidoo kale jira wufuudo ka imaanaya deegamada fog fog sida magaalada Ceerigaabo, Taleex, Xudun. Boocame iyo deegaamada oo dhan.
Sidoo kale magaalooyinka laga ambabaxayo waxa ka mid ah, Laascaanood, Widhwidh, Horufadhi, Buuhoodle , Xamarlaguxidh iyo deegaamo kale oo Hawdka fog fog ah.
Shirka ayaa sidoo kale waxa ka qaybgalaya qaar ka mid ah Madaxdhaqameedka, ayadoo intooda aysan beelahoodu isku khilaafsanayn hore loo wada gaadhsiiyey walow qaarkood ka biyo diideen Doc shireedna ku haystaan deegaanka Higlada ee duleedka Laascaanood.
Shirkan ayaa laga filayaa in dib loogu eego hawlaha maamulka Khaatumo iyo arimaha masiiriga ah, sida xildhibaanada dawladda dhexe u geliya reer Khaatumo oo maamulka Garoowe u Gucleenayo inuu magacawdo xubno asaga daacad u ah.
Horufadhi.com