Maamulka Hargeysa Oo Xidhay Telefishanka Madaxa Banaan Ee Rayo TV Mulkiilihii Telefishankana Habsiga Loo Taxaabay

Xukuumada Siilaanyo oo amar kubixisay isla markaana xidhay Telefishanka Rayotv hawadana ka saartay.Mulkiilihii Telefishanka Rayotv ayaa isna xabsiga Borama loo dhaadhiciyay.

Xadhiga iyo cabudhinta saxaafada ayaa waxaa loo wakiishay gudoomiyaha Cusub ee Awdal Shiine oo dhawaan hanjabaad ku bixiyay inuu gacan bir ah ku qaban doono saxaafada iyo shaqsiyaadka ku nool galbeedka ee wax ka sheega Muuse Biixi iyo deegaanada Hargeysa damacday ee Gobolka Awdal.

Gudoomiye Shiine oo dhawaan Hargeysa ka hadlay ayaa sheegay inuu kasoo jeedo Beesha Habar Yoonis balse uu daacad u yahay Mujaahid Muuse Biixi Awdalna ka sifayn doono cidkasta  oo ka hor timaada Muuse Biixi iyo qorshayaashiisa 6 Goobood Iyo deegaanada galbeedka.

Shiine oo si wayn uga soo horjeeda Xisbiga Wadani ayaa Gudoomiye ciro ku sheegay nin faqash ah marnabana lagarabdhigi karin Muuse Biixi oo usoo dhididay halgankii SNM.

Shiine ayaa la filayaa inuu faraha lagali doono arimo kacdoon ka dhalin doona Galbeedka waxaana uu maalamhani magaalada Borama iyo deeganaada gobolka Awdal ka bilaabay inuu odayaal suuqa kasoo ururiyo laaluushna u balan qaado Muuse Biixina taageera uu dhegta ugu qabto taasi oo maalmahani hadhaysay suuqyada Borama oo hadalhaynteeda si wayn loo wado.

Guddoomiye Shiine oo lasoo baxay guulwadayn aan abaid Awdal lagu arkin ayaa dadwayne badan hadalhayaan sidii wax looga qaban lahaa isagoo bahdilana gobolka looga diri lahaa.

Source: Boramanews.com