
Iyadoo shalay magaalada New York ee dalka Mareykanka uu ka furmay Shirweynahii 71-aad ee Jumciyadda Quruumaha Midoobay ayaa waxaa looga hadlay arimaha qaxootiga caalamka gaar ahaan Syria, Soomaaliya iyo Koofurta Sudaan.
Shirkaan oo ay isugu yimaadeen in kabadan 140 madaxweyne oo ka kala socoto caalamka ayaa noqday kii ugu weynaa ee lagu qabto cariga Mareykanka, waxaana madaxdii ka soo qeybshay shirka ay si weyn uga hadleen arimaha arimaha qaxootiga caalamka ee sii baahaya, waxaana madaxda ay isweydiiyeen sababaha dhaliyay in marba marka ka danbeysa ay sii bataan qaxootiga ku sii qul qulaaya qaaradaha caalamka.
Wasiirka Maaliyadda iyo Xiriirka Caalamiga ee dowladda Jabuuti, Muuse Dawaale oo ka hadlay kulanka Jumciyadda Quruumaha Midoobay ayaa sheegay in dalkiisa uu marti galiyo qaxooti aad u farabadan oo ay ku jiraan Soomaali ka soo carartay dagaaladii sokeeya ee ka dhacay gudaha Soomaaliya sanadii 1991-dii, waxa uuna sheegay in xukuumadda Jabuuti ay ku guuleysatay in ay dajiso dhamaan qaxootigaas, si ay u helaan nabad, nolol iyo daganaansho.
Wasiirka ayaa sidoo kale madaxda Jumciyadda Quruumaha Midoobay ka codsaday in xal mideysan laga gaaro arimaha qaxootiga caalamka si loo yareeyo dhibaatooyinka ka dhalanka qulqulka qaxootiga eek u sii badanaya caalamka.
Shirkaani oo ah kii 71-aad oo ay iskugu yimaadeen madaxda Jumciyadda Quruumaha Midoobay ayaa sidoo kale lagu wadaa in diiradda lagu saaro arimaha ka hortagga xagjirnimmada, xallinta dhibaatada qaxootiga, nabadda bariga dhexe, arrimaha faqriga, cuduradda, baahida iyo xitaa khatarta hubka wax gummaada.