
Diyaaradaha dagaalka ee dowlada Siiriya iyo Ruushka ayaa la sheegay inay duqeyn la beegsadeen gaadiidkii gargaar bini’aadamnimo u siday magaalada go’adoonka ku jirta ee Xalab (Aleppo).
Hay’ada Bisha Cas ayaa sheegtay in ugu yaraan 12 qof oo u badan darawelo ku dhinteen duqeynta oo lala beegsaday gaadiid gaaraya 30 oo cunto u siday magaalada, waxaana la sheegay in 18 gaadiidkii gargaarka siday ay burbureen.
Kahor duqeyntii xalay ka dhacday magaalada Xalab (Aleppo) ayaa waxaa qoraal kasoo baxay militariga Dowlada Bashar Al Assad lagu sheegay in ay burburtay xabad joojintii bilaabatay maalintii ciidii ee Isniinta ahayd, iyadoo dowlada iyo mucaaridka midba midka kale ku eedeeyey inay jabiyeen xabad joojinta.
Xabad joojinta looga dhawaaqay dalka Siiriya ayaa waxaa soo diyaariyey Maraykanka iyo Ruushka oo ku heshiiyey in xulafadooda ay ka dhaadhiciyaan joojinta dagaalka si kumeel gaar ah, si gargaar bini’aadamnimo loo gaarsiiyo dadka ku xayiran magaalooyinka ay dagaalka ka socdaan.
Balse inta badan goobaha dagaalada kasocdeen ayaanan lagu guuleysan in la gaarsiiyo gargaar isugu jira cunto iyo daawooyin kadib markii dhinacyada dagaalamaya ay diideen inay balan qaadsiiyaan hay’adaha gargaarka inaysan dhibaato soo gaareyn shaqaalaha hay’adaha gargaarka iyo gaadiidkooda.
Horseed Media