
Ra’isul Wasaaraha dowlada Federaalka Somaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke iyo wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Ra’isul Wasaaraha waxaa garoonka diyaaradaha oo 30km u jira magaaladda Garowe ku soo dhaweeyay Madaxweynaha dowladda puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi, labada guddoomiye ku-xigeen, Wasiirro, Xildhibaano, siyaasiyiin, saraakiisha ciidanka, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada, ururadda haweenka iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan.
Shir Jaraa’id oo ay si wada jir ah ugu qabteen xarunta Madaxtooyadda Puntland ee Garowe ayay faahfaahin kaga bixiyeen ujeedada socdaalka Ra’isul wasaaraha Somalia cumar Cabdirashiid, waxayna sheegeen in booqashadani ay la xiriirto u guurgalka iyo dardargalinta geedi socodka doorashooyinka dadban ee lagu soo dooranayo aqalka hoose iyo midka sare ee Barlamaanka dowladda federaalka Somaliya.
Ra’isul Wasaaruhu wuxuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu yimaado puntland iyadoo ay ka socoto qabanqaabada iyo diyaargarowga doorashadda dadban, islamarkaana uu u sii gudbi doonaan goboladda kale ee dalka, maalmaha soo socda
“ Waxaanu u nimid inaanu u kuurgalno sida ay wax u socdaan, waxaa lagu jiraa waqti doorasho, soomaaliyo oo dhan ayaa doorashadu ka dhacaysa, waxayna noqonaysaa doorashadan mid taarikhi ah, 47 sanno ayaa ugu dambaysay dalkan in doorasho noocan oo kale ah ay ka dhacdo” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid Cali sharma’arke
Wuxuu sheegay inuu aad ugu rajoweyn yahay in doorashadda labada aqal iyo doorashada madaxweynuhu ay ku dhici doonto waqtigii loogu talagalay. Waxaa kaloo uu aad u amaanay nabadgelyadda iyo horumarka ka jira degaamadda Puntland.
Booqashadda Ra’isul Wasaare Cumar cabdirashiid oo ka duwan booqashooyinkii hore ee uu ku imaan jiray Puntland ayaa ku soo beegantay iyadoo uu yahay musharax madaxweynaha Soomaaliya. sidoo kalena caasimmada garowe ay ku sugan yihiin , Xildhibaano hore, wasiiro ka tirsan xukuumadiisa iyo siyaasiyiin hore oo u tartamaya doorashadda labada Aqal ee barlamaanka dowladda Federaalka Somalia.