
Oday dhaqameedyada Gobolka Hiiraan ee diidan shirka Jowhar ayaa maanta kaga dhawaaqay magaalada Beledweyn inay dhisayaan Maamul goboleed gaar ah.
Kulan ay yeesheen oday dhaqameedyada gobolka Hiiraan, Guddoomiyaha Gobolka, siyaasiyiin iyo ururada bulshada rayidka ayaa waxay ku shaaciyeen in maalmaha soo socda dhisayaan Maamul cusub
Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in muddo gaaban lagu dhisi doono maamul goboleed gaar ah oo uu yeesho Gobolka Hiiraan.
‘’Waxa idiin sheegaya reer hiiraan in aan dhiseyno maamul goboled u gaar Hiiraan, cid aan wax ka sugeyno haba yaraatee ma jirto, waliba waxaan idiin sheegaya dastuurka uu yeelanayo maamulkan aan u dhiseyno Hiiraan, waa la diyaariyay waxa noo harsan oo kaliya inaan ku dhawaaqno maamulka uu yeelanayo Hiiraan”ayuu yiri Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.
Ugaas Xasan ayaa sheegay in maamulka ay u dhisayaan Hiiraan waqti badan laga shaqeynayay, isla markaana ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu dhawaaqi doonaan maamulkaan.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed oo dhowaan ka soo hor-jeestay shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo dhismihiisu ka socdo Jowhar ayaa sheegay in reer Hiiraan ay tashanayaan, isla markaana shacabka gobolka iyo duubabka dhaqanka ay isku duuban yihiin.
Hadalkan ka soo yeeray odayaasha dhaqanka reer Hiiraan ayaa jawaab u ah qorshaha ka socda Jowhar ee qeybinta Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe, kaasoo loo qeybiyay xubnaha beel walba ka soo gaaray kuraasta Baarlamaanka.