
Banaan bax ballaaran oo looga soo horjeedo Muranka Badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa maanta ka dhacay Fagaaraha Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, halkaasoo boqolaal ruux isugu soo baxeen.
Dadka isugu soo baxay fagaaraha Daljirka Dahsoon ayaa waxay wateen boorar ay ku qornaayeen halku dhigyo kala duwan, kuna diidanayeen damaca Kenya ku dooneyso inay Badda Soomaaliyeed qeyb ka mid ah xalaaleysato.
Intii uu socday dibad baxa ayaa waxaa la xiray wadada hor marta Daljirka Dahsoon iyo waddooyinka ku dhow dhow, waxaana ka qeyb galayaasha banaan baxa ku qeylinayeen halku dhigyo ka dhan ah dowladda Kenya.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa la hadlay dadkii dibad baxa isugu yimid, waxaana uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed aanay aqbalin doonin in la iibsado Badda.
“Maanta in aan dareenka muujino waaye halkan waxa isugu soo baxnay, waxaa ka damqaneynaa in dhaxalkeena maanta la isku heysto ee gorgortan la gelineyno, cid kama iibsaneyno dhaxalka ubadkeena beec ma ahan, hadduu barri yahay iyo haduu Bad yahay, taako dhulka Soomaaliyeed ka mid ah cid aan u ogolaaneyno ma lahan, dhiigeyna u hureynaa, maalkeena u hureynaa”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Dacwada Badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya ayaa maalintii 3aad ka socota Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee Hague, iyadoo labada dhinac la dhageysatay doodihii ay soo bandhigeen.