
Rabshado xoogan oo looga soo horjeedo ciidamada booliiska ayaa ka socda magaalada Charlotte ee dalka Mareykanka, kadib markii ciidamada booliiska ay toogteen nin Madow ah.
Dadka Madowga ah ayaa bilaabayi n ay dhigaan dibad baxyo rabshada wata , waxa ayna dadkan ka careesan yihiin dil ciidamada booliiska u geesteen nin Madow ah oo lagu magcaabao Keith Lamont Scott.
War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in ninkan Madowga ah la toogtay kadib markii uu ka dhago adeegay amar kasoo baxay booliiska, waxa ayna sheegeen ninkan xiliga la tooganayay in uu hubeesnaa.
Ehelada ninkan la dilay ayaa beeniyay warka kasoo baxay booliiska, waxa ayna tilmaameen in uusan wax hub ah wadan ninkan xiliga la tooganayay ayna dilkaasi salka ku heyso naceybka madowga u qabaan booliiska.
Xaalada deg deg ah ayaa lagu soo rogay magaalada Charlotte , booliiska ayaan sunta ddaka ilmada ka keenta u adeegsanaya dadka dibad baxyada ka wadaa maalintii labaad magaaladaasi, rabshadaha socda ayaa waxaa ku dhintay qof kale oo rayid ah.
Magaalooyin kuyaala dalka Mareykanka ayaa waxaa marar badan ka dhacay rabshado xoogan oo ka dhashay dil ay booliiska Cadaanka ah u geestaan dad madow ah, rabshadahan ayaana waxaa ka dhasha qasaarooyin badan.