
Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa Gaaray wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sh.Cismaan Jawaari.
Wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia ayaa si aad ah loogu soo dhoweeyay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari ayaa la sheegay in Magaalada Baydhabo uu u tagayo sidii loo dardar galin lahaa soo xulidda Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo qaabka ay u socoto Hanaanka Doorashada.
Masuuliyiinta Dowlada ayaa hadda u kala jiheeystay Deegaanada ay ka soo jeedaan si ay wadatashi ay u la soo sameeyaan Beelaha ay ka soo jeedaan