
Wasaaradda Gaashaandhigga Dalka Mareykanka, ayaa shaacisay in shirkad lagu magacaabo – Oshkosh ay gashay heshiis ay ku kacayo nus malyuun doollar, kaasoo gaadiid dagaal ay uga iibineyso Wadamada Somalia, Kamaruun iyo Ciraaq. Sidoo kale, Pentagon-ka ayaa sheegtay in shirkadan ay hawshan ku dhammeyn doonto illaa dhammaadka bisha July 2018-ka. Inkastoo aan la sheegin nooca ay noqonayaan gaadiidka dagaal ee laga iibinayo Somalia iyo tiradooda.
“Oshkosh oo ah shirkad ka shaqeysa arrimaha millatariga ayaa waxay heshay 378.1 milyan oo doolar, taasoo gaadiid ciidan oo ay ka mid yihiin; 1,543 gaadiid oo kuwa tiknikada ah uga iibin doonto dalalka shisheeye,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda difaaca Maraykanka. Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Somalia ayaa wada dib u dhiska ciidamada Qalabka sida, kuwaasoo ku burburay dagaalladii Sokeeye ee dalka ka dhacay, isla markaana la doonayo inay hawsha kala wareegaan ciidamada AMISOM