Dad ka careysan Iska hor imaad xalay ka dhacay Jowhar oo Banaanbax ku dhigay Magaaladaas ..

Dad shacab ah oo careysan ayaa isugu soo baxay Banaanbax saaka ka dhacay Degmada Jowhar oo ka tirsan Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe.

Banaanbaxa ayaa waxaa isugu yimid dadka ku nool Xaafadaha Magaalada Jowhar, waxaana ay ku qeylo dhaaminaayay erayo ka dhan ah ciidamo Boolis ah oo Muqdisho laga kaxeeyay kuwaasi oo Jowhar u jooga Suggida ammaanka Shirka Magaaladaasi ka socda.

Iska hor imaadka xalay ka dhacay Magaalada Jowhar oo labo Askari ay ku dhinteen, ayaa askarta geeriyootay waxa ay ahaayeen kuwa deegaanka ah, halka Askarta kalena ay ahaayeen kuwii xamar laga kaxeeyay.

Dadkii Banaanbaxa dhigay ayaa Maamulka Gobolka waxa ay ka dalbadeen in la soo cadeeyo sababtii ka dambeysay askarta lagu dilay Magaalada Jowhar.

Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa ugu baaqay Bulshada inay isdejiyaan si ammaanka uusan faraha uga bixin.

Magaalada Jowhar waxaa ka socda Shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe oo waxaa Magaalada ku sugan ergo kala duwan.