Haweynayda caanka ku ah modelka ee Soomaaliyada oo dib loo arkay ka dib geeridii ninkeedii David Bowie – VIDEO

Haweeneyda caanka ku ah modelka ee u dhalatay Soomaaliya oo lagu magacaabo Iman Abdulmajiid ayaa dib loo arkay kadib sanad ku dhawaad oo geerida ninkeeda David Bowie aasan yahay, waxayna xeratay katiinad dahab ah oo magaca ninkeeda ku qoran yahay, iyadoo sheegtay in ay xirnaan doonto ilaa ay ka dhimato.

Iman oo saxaafada la hadashay ayaa tiri “waxey ii aheyd sanad dhib iyo xanuun badan maadaama aan waayay wehelkeygii ama odaygeygi iyo hooyadeey oo iyana geeriyootay sanadkan.
Waxey Iman soo xeratay katiinad dahab ah oo uu ku qoran yahay magaca odaygeeda taasoo ay sheegtay in ay waligeed xernaan doonto inta ay nooshahay.

Iman  oo 61 jir ah   ayaa weysay ninkeeda David Bowie bishii janaayo ee sanadkan oo ka dhaxashay hantidiisii oo gaareysaysay 70 Milyan dollar isagoo  25  Milyan uga tagay gabadhiisa ay u dhashay, 25 milyan kalena wiil ay xaas hore u dhashay.

Iman ayaa waxey saxaafada caalamka  ku amaantay sida ay da’da ula dagaalantay iyadoo aan u ekeyn 61 jir balse ay u eg tahay qof 40 meeyada ku jira.

iman-katinad-2

(EXCLUSIVE, Premium Rates Apply) NEW YORK - NOVEMBER 13: *Exclusive* (NO ITALY SALES) David Bowie and Iman inside Keep A Child Alive's 5th annual Black Ball at Hammerstein Ballroom on November 13, 2008 in New York City. (Photo by Kevin Mazur/WireImage)

(EXCLUSIVE, Premium Rates Apply) NEW YORK – NOVEMBER 13: *Exclusive* (NO ITALY SALES) David Bowie and Iman inside Keep A Child Alive’s 5th annual Black Ball at Hammerstein Ballroom on November 13, 2008 in New York City. (Photo by Kevin Mazur/WireImage)

iman-katinad-4